Sawiro: Maamulka Gobolka Banaadir oo howlo nadaafadeed maanta ka fuliyey Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudodomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka fuliyey howlo nadaafadeed oo lagu nadiifiyey qeybo ka mid ah Gobolka Banaadir.

Shaqadaan oo ah mid bile ah ayaa waxaa Guddoomiyaha kala qeyb galay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Waxaa howshaan nadaafadda ah ka qeyb qaatay  Guddoomiyaha  Gobolka Banaadir ahana Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thabit Cabdi Maxamed iyo Ku Xigeenadiisa.

Guddoomiye Thaabit oo halkaas ka hadlay ayaa qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah kula dardaamay inuu ka qeyb qaato bilic soo celinta dalka gaar ahaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sidoo  kale gudoomiyaha maamulka gobalka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in talaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo gurigeeda iyo Goobteeda ganacsiga lagu arko qashin oo aysan jiri doonin wacyi-gilin danbe oo dhinaca Nadaafadda ah.

Gudoomiye taabid ayaa ka codsaday Ciidanka in ay shacabka garab ku siiyaan Howlaha Nadaafadda dhankoodana ay sida amniga oo kale ka shaqeeyaan Nadaafadda.

Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa si weyn usoo dhaweeyey barnaamijkaan bilaha ah ee uu bilaabay maamulka cusub ee Gobolka Banaadir.

Waa markii labaad oo shaqo noocaan oo kale uu guddoomiyaha ka fuliyo Magaalada Muqdisho, waxaana ka go’an inuu dib usoo celiyo quruxdii iyo nadaafadii lagu yaqaanay Gobolka Banaadir.

Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ah guddoomiye dhallin yar oo ay ka go’an tahay inuu wax badan u qabto dadka ku noqon Muqdisho ee uu mas’uulka ka yahay, wuxuuna habeen iyo maalin usoo jeedaa sidii uu gudan lahaa shaqadiisa.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com