QM oo shaacisay cida ka dambeysay weerarkii lagu laayey Soomaalida saarneyd doonta ee Yemen

New York (Caasimada Online) – Baarayaasha QM ayaa ku eedeeyey isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo inay ka dambeeyeen weerarkii dhimashada lahaa ee lagu qaaday Soomaali saarneyd doon ku socotay xeebaha dalka Yemen, bishii march ee sanadkan.

Isbaheysigan oo dagaal kula jira Xuutiyiinta ay Iran taageerto, ayaa beeniyey inay ka dambeeyeen weerarka, oo ay baarayaasha QM sheegeen in lagu dilay 42 qof oo Soomaali ah, islamarkaana lagu dhaawacay 34 kale.

“Doontan ay saarnaayeen dadka shacabka waxaa lagu weeraray qori darandoori u dhaca oo ku xirnaa diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah” ayaa lagu yiri warbixin ka kooban 185 bog oo golaha ammaanka ee QM ay hordhigeen kormeerayaasha QM ee cunaqabateynta saaran Yemen.

“Xulufada Sacuudiga uu hoggaamiyo waa ciidamada kaliya ee dagaalka Yemen ka qeyb galaya ee awood u leh in goobta weerarka uu ka dhacay ay ku isticmaalaan diyaarad qumaati u kacda” ayey tiri warbixinta.

Warbixinta QM ayaa sheegtay in weerarkan uu xadgudub cad ku yahay xeerarka caalamiga ah ee bani aadannimada, islamarkaana uu halis geliyey ammaanka, nabad-galyada iyo xasiloonida dalka Yemen.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in laba weerar oo kale oo lagu qaaday dooni kalluumeysi, islamarkaana ay fuliyeen diyaarado qumaati u kaca lagu dilay 11 qof, islamarkaana lagu dhaawacay 8 kale.

Warbixinta ayaa sheegtay in dowladaha Sacuudiga, Masar iyo Imaaraadka oo howlgalkan xulufo ku ah inay diideen inay jawaab bixiyaan markii la weydiiyey akhbaar dheeri ah.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis 
Caasimada@live.com