Xildhibaan Mahad Salaad oo jawaab culus ka bixiyey hanjabaadii Sanbaloolshe

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyaha nabad-sugidda Soomaalia, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa u hanjabay mas’uuliyiinta dowladda ee hadallada ka dhanka ah qorshaha hub ka dhigista Muqdisho ay kasoo yeeraan, si gaar ahna xildhibaan Mahad Salaad.

Sanbaloolshe oo caawa TV-ga qaranka uga hadlay isku dhacii maanta ciidamada dowladda ku dhex maray agagaarka madaxtooyada ayaa sheegay inuu ahaa shil u dhacay si lama filaan ah, islamarkaana aysan u dul qaadan doonin in qaab kale loo dhigo.

Waxa uu yiri “Waxaa jira mas’uuliyiin ku jira dowladda oo xasaanadda ay haystaan uga faa’ideysanaya inay sheegeen wixii ay doonaan,  taasna kama aqbaleyno”

Haddaba waxaa arintaan jawaab culus ka bixiyey Xildhibaan mahad Salaad oo ugu baaqay Sanbaloolshe inuu shaqadiisa qabsado kana baxo arrimaha siyaasadda ku aadan.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso jawaabta uu mahad Salaad kusoo qoray Facebookiisa:

Asc asxaabta sharafta leh. Salaan kadib sxbada fariimaha kala gedisan iisoo qoray iyo kuwa isoo wacayba waan u mahadcelinayaa. Inshaa’allaah marna kama ganban doono waajibaadka Qaran ee la ii doortay iyo mas’uuliyada iga saaran Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Taliye yaasha Hay’adaha Amniga waxaa ila haboon inay gartaan mas’uuliyadoodu waxa ay tahay ee aysan dhex boodin Arimaha Siyaasada. Kuna mashquulin doodaha iyo fariimaha Xildhibaanadu uga hadlayaan qaladaadka Xukuumada iyo Hay’adaha Amnigu galayaan maalin walba, sababtoo ah waa arin Dastuuri ah waana qayb kamid ah waajibaadka shaqo ee Xildhibaanada.

Sidoo kale anigu waxaan kitaab ku maray inaan ahay Xildhibaan Qaran oo Dalka, Dadka, Diinta iyo Dastuurka intaba ilaalin doona sidaas darteed inaan guto waajibka i saaran cidna marti ugama noqonayo. Hanjabaada Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida ugu gafay Xildhibaanadana jawaabteeda maalin kale ayaan u dhiganeynaa inshaa’allaah.

DALKANA LAGUMA MAAMULI KARO WAREEGTO IYO WARSAXAAFADEED.

Mahadsanidiin sxbo yaal.

Xildhibaan Mahad Salad

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com