Kismaayo (Caasimda Online) – Iyadoo Magaalaada Adis Ababa uu kulan uu wada hadal uga socdo Maamulka Axmed Madoobe iyo Dowlada Soomaaliya, ayaa arintaas waxaa ka hadlay Saraakiisha Ciidamada Maamulka dhawaan Kismaayo looga itaalka roonaaday ee Barre Aadan Shire Hiiraale, oo sheegay inay qorsheynayaan dagaal shardiyeysan.
Xiish Maxamed Axmed oo ah Xoghayaha gaarka ah ee Barre Hiiraale, ayaa sheegay in mamulka Axmed ay dani ugu jirto inay aqbalan qorshaha dowlada ee gobolada Jubbooyinka, islamarkaana wada hadallada Addis-Ababa ay yihiin fursadoodii ugu dambeysay.
Wuxuu sheegay hadii ay dhacdo inay ka dhaga adeegan u hogaansanka dowlada Soomaaliya ay tilaabo cad ka qaadi doonaan isagoo shaaciyay inay weerar ku qaadi doonaan Kismaayo isla-markaana ay ka saari doonaan Maamulka iminka ka arimiya .
Xiish, ayaa isagoo hadalkiia sii wata wuxuu carabka u adkeeyay in si loo joojiyo dhiig mar kale ku data Kismaayo ay haboon tahay in Maamulka Axmed madoobe ay ka dambeeyaan dowlada Soomaaliya oo uu sheegay inay Matasho dhamaan Soomaalida .
Kismaayo waxaa imina ka arimiyo Maamul uu majaraha u hayo Axmed Madoobe, Kaas o sheegtay inuu hogaan u yahay guud ahaan Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo inkastoo dowlada Soomaaliya ay ku tilmaamtay mid aan sharci aheyn.
Iminka waxaa Dalka Ethiopia gaar ahaan magaalada Adis ababa ku shirsan Mas’uuliyiin ka kala socota Maamulka Kismaayo iyo dowlada Soomaaliya , Kuwaas oo xal u raadinaya arinta Muranka badan dhalisay ee ku aadan Hogaaminta Jubbooyinka iyo Gedo.
Halkan ka dhageyso Xiish
Wareysi-Xoghaya-Barre-hiiraale-Xiish-Maxamed-Axmed
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo