Dhageyso Axmed Madoobe: Dowladda Farmaajo waxay haysaa waddaddii Xasan

Kismaayo (Caasimada Online) -Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa manta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe, ayaa goortii uu ka dagay magaalada Kismaayo kawarbixiyay shirka ku qabsoomay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirka Hogaamiyayaasha maamulada uu kusoo dhamaaday guul waxa uuna tilmamay inuu ahaa mid laga gaaray ujeedkii laga lahaa shirka.

Axmed Madoobe, ayaa sheegay in shirkaasi uu lahaa muhiimad gaar ah oo la xiriirta dhamaystirka madasha Dowlad Goboleedyada dalka oo ahayd arrin Dastuuri ah, sida uu hadalka u dhigay.

Madoobe, wuxuu tilmaamay in dowlada Federaalka ah ay ku dhiiri galiyeen in ay kasoo baxdo heshiisyadii la xiriiray hanaanka dhismaha Amniga Qaranka oo xoraynta wadanka iyo sugida amnigiisa muhiim u ah.

Madoobe waxa uu sheegay in Dowlada Somalia laga doonaayo inay go’aan ka gaarto amnigeeda waxa uuna cadeeyay in maalin waliba Somalia loo qabto shirar dhanka amaanka ah, hadana ay dowladu tahay mid aan waxba ka kororsan.

Waxa uu tilmaamay in Dowlada Somalia ee hadda jirta ay ku mashquushay maamul Goboleedyada, hase ahaatee taasi ay tahay mid arbushaad u keeni karta Siyaasada dalka.

Waxa uu Axmed Madoobe tusaale usoo qaatay Dowladii Xasan Sheekh oo uu sheegay in labadii sano ee ugu horaysay ay dagaalka dowlad Goboleedyada kaga khasaartay Dowlada maantana ay wadadii hayso.

Dowlada hada jirta ayuu sheegay inay ku mashquusho howlo aan xiligooda la gaarin, hase ahaatee waxa uu cadeeyay inay fashilin doonaan dadaalkeeda, waa haddii ay faragaliso.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inay jiraan howlo kale oo dalka muhiim u ah oo ay tahay in iyaga ahmiyad lasiiyo halkii khilaaf iyo xasarad siyaasadeed loo adeegsan lahaa dhaqaalaha Qaranka iyo wakhtiga.

Dowlada Federaalka ayuu uga digay in khilaafka Khaliijka oo Soomaaliya loosoo minguuriya ay tahay musiibo aan waligeed laga soo kaban karin loona baahan yahay in Dowladu ay raacdo hanaan dhexdhexaad ah.

Haddalka Axmed Madoobe ayaa u muuqda mid si dadban loogu goodinaayo Dowlada Somalia, waxa uuna haddalkiisa imaanayaa xili uu Madoobe baqdin ka qabo in laga tuuro xilka.

Hoos ka dhageyso hadlaka Axmed Madoobe