Dhageyso: Axmed Madoobe oo kashifay cidda hortaagan Maqaam loo sameeyo Caasimadda Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Madaxweynaha maamulka jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay waxa hortaagan maqaam u sameynta caasimadda iyo arrinta Gobolka Banaadir.

Isagoo ka hadlayey xaflad sagootin ah maamulka G/Banaadir xalay u sameeyay madaxda maamul gobaleedyada ayuu sheegay in arrinta Maqaamka Caasimadda marba cid loo saariyo, muddo dheerna ay soo jiitameysay, haddana lagu heshiiyay in la dedejiyo.

Axmed Madoobe ayaa ku dooday in Maqaamka Caasimadda in maqaamka caasimadda uu yahay arrin Dastuuri ah, iyadoo ay dan ugu jirto qof walba oo Soomaali in la caddeeyo maqaamka caasimadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.coma