Dhageyso: Banaanbax lagu taageeray heshiiskii Addis-Ababa, Muqdisho

 Muqdisho (Caasimada online) Waxaa Muqdisho ka dhacay Banaanbax lagu taageerayo dowlada Soomaaliya iyo go’aankii kasoo baxay Shirkii Adis-Ababa ,waxaa soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo ay kasoo qeybgaleen Guddoomiyaha Gobolka iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka ee xukuumada Soomaaliya iyo dad wayne aad u fara badan waxaana halkaasi heeso ka soo jeediyay fanaaniinta Hobolada Waabari.

Banaanbaxan ayaa wuxuu ka dhacay Daljirka daahsoon ee degmada Boondheere ee gobolka Banaadir , kaasi oo dadkii dhigayay ay ku qeylinayeen ereyo ka dhan ah Banaanbixii shalay ee Beydhabo iyo sida  ay ugu faraxsan yihiin go’aanka Shirkii Adis -Ababa.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo ka hadlay goobta Banaanbaxa uu ka socday ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu soo dhaweynayo heshiiskii dhawaan lagu soo gaba gabeeyay dalka Ethiopia waxaana uu sheegay Guddoomiyaha in Dowladda Soomaaliya ay ku tilaabsatay guul la taaban karo.

Tarsan ayaa ku tilmaamay kuwo dano gaar ah leh Dadka aan doonayn heshiis iyo isku soo dhawaansho inuu dhexmaro Soomaalida dhexdeeda sida uu sheegay waxaana carabka ku adkeeyay inaysan marnabada dadkaasi rabin horumarka umadda Soomaaliyeed.

Shalay Beydhabo oo ah xarunta gobolga Baay, waxa ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo dowlada Soomaaliya , waxaana odayaasha beelaha Digil iyo Milifle ay u dhawaaqeen inay kalsoonidii kala laabteen dowlada Soomaaliya.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com