MAQAL: Beesha SADE oo ka shireysa aayaha Jubooyinka & Axmed Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka soconaya shirar ay lee yihiin qaar kamid ah waxgaradka iyo siyaasiyiinta Beesha Sade ee ku dhaqan gobolka Banaadir.

Shirarkaasi, ayaa waxa ay uga hadlayaan aayaha danbe ee beesha iyo sidii la iskugu keeni lahaa waxgaradka iyo hogaanka siyaasada ee beeshaasi, si go’aan isku xiran ay uga qaataan aayaha Jubbooyinka iyo xaalka Kismaayo.

Kulamada oo ka dhacay qaybo kamid ah Muqdisho, ayaa waxaa dhawaan la filayaa inuu qabsoomo shirwayne la doonayo in loogu go-gol xaaro shir kale oo isna ka dhici doono gobolkaasi Gedo.

Maxamed Xaashi Cabdi Caraabey oo xubin ka ah gudi loo xil saaray shirka, ayaa sheegay in ujeedka shirka loo qabanayo inuu yahay sidii midnimada beesha looga wada shaqayn lahaa.

Caraabey ayaa xusay ujeedka ay ka leeyihiin shirkani inuu yahay sidii ay beeshu u yeelan lahayd Hogaan lagu wada kalsoon yahay isla markaana dhanka dhaqanka looga hagaajin lahaa.

Kullamadan ayaa imanaya xilli beesha Sade ay dhowaanahan ka cabaneysa in dadka beeshaas u dhashay si gaar ah loogu bartilmaameedsado magaalada Kismaayo, ayna dilal qorsheysa kala kulmaan maleeshiyada Raaskambooni ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Halkan ka dhageyso wareysiga Carabey

sade muqdisho

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com