Dhageyso: C/Casiis Jawaari “Aabahey wuu nool yahay, balse khalad weyn ayaa…”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wiil uu dhalay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa beeniyey wararka lagu baahiyey baraha bulshada ee sheegayey inuu Aabihiis maanta ku geeriyooday dalka Turkiga.

Cabdicasiis Jawaari oo wareysi kooban siiyey Shabelle TV ayaa been abuur ku tilmaamay geerida laga faafiyey aabihiisa, balse wuxuu tilmaamay in uu arrimo caafimaad u tegay Turkiga.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dadka faafiyey wararkaasi ay yihiin kuwa xaasidiin ah, isla-markaana ka lahaa dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadka waxaa soo qoray waa dad xaasidiin ah oo been badan. Aabe wuu fiican yahay asaana soo hadli doono marka waa been abuur,” ayuu yiri wiilka guddoomiye Jawaari.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in ka qoys ahaan qalad weyn laga galay, isla-markaana laga nixiyey ehellada iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan dareenay in qalad weyn nagala galay ma fiicneyn in sidaa dadka looga nixiyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay inay qaadi doonaan tallaabada ugu haboon, si loo ogaado cida faafisay warka geerida ee Jawaari iyo ujeedka gaarka ah ee laga lahaa.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa xalay diyaarad gaar ah looga qaaday magaalada Muqdisho oo uu ku xanuunsanayey maalmihii lasoo dhaafay, isaga oo la dhigay isbitaalka Digfeer, balse xaaladiisa oo kasii dartay darteed loo qaaday dalka Turkiga.

Jawaari ayaa markiisii ugu dambeysay kasoo muuqday dood cilmiyeed ku aadan dhammeystirka dastuurka, taas oo dhowaan lagu qabtay magaalada Muqdisho.