Xog: Xasan Sheekh oo tegaya jiidda hore ee dagaalka iyo wararkii ugu dambeeyey

Cadale (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqyo culus oo ku aadan dagaalka Al-Shabaab laga dareemayo gobolkaasi, gaar ahaan degmada Cadale oo ku taalla dhanka xeebta ee Shabeelaha Dhexe.

Ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab iyo Gorgor oo xalay ka baxay Muqdisho ayaa ku biiray abaabulka ka socdo degmada Cadale oo ay horey u joogeen ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya iyo xildhibaano ka mid ah baarlamaanka oo kasoo jeeda deegaanka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ciidamada Danab iyo kuwa Gorgor oo wata gaadiid dagaal oo aad u fara badan ayaa saldhigtay degmada Cadale, halkaas oo uu ka bilaaban doono guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo weli ku sugan qaybo ka mid ah gobolkaasi.

Warar kale oo soo baxayo ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu isna kusii jeedo Cadale, si uu dhiira-geliyo ciidamada ku sugan halkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xiran doono tuutaha, isla-markaana uu dagaalka ka hagi doono magaallo xeebeedkaasi, waxaana soconayo qaban-qaabada soo dhoweyntiisa, ayada oo aad loo sii adkeeyey ammaanka, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo kalsoon yahay.

Cadale ayaa la ciir ciireysa ciidamadii ugu badnaa, kuwaas oo diyaar garoobayo howlgal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana duulaankooda uu ka bilaaban doonaa deegaanka Masaajidka Cali Gaduud oo ay haatan ku sugan yihiin dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, ayada oo sidoo kale dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in uu dagaal culus ka qarxo halkaasi.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa la xiriira kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo horey uga billowday gobollada dhexe, gaar ahaan Hiiraan iyo Galgaduud.