Dhageyso: Prof. Cali Khaliif Galayr oo u Goodiyay Somaliland, sabab?

Muqdisho (Caasimada online) Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr, Oo Kamid ah  Barlmaanka Soomaliya Ayaa  Werar Afka Oo Hanjabaad Umuuqda Waxa Uu Ku qaaday Maamulka Somaliland .

Wuxuu sheegay in dadka Birimageydada ay ay shibaato xoogan ku qabaan Maamulka Soomaaliya, isagoo sheegay inay Xabsiyada Magalooyinka Maamulkaas uu ka arimiyo ay Buux Dhaafiyeen Caruur iyo Habween .

Cali Khaliif , wuxuu sheegay in Xabsiyada LaasCaanood, Burco,  Mandheere iyo Hargaysa ay Buux dhaafiyeen Maxaabiis u badan sida uu sheegay Haweenka iyo Caruurta Kasoo jeeda Khatumo State.

Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah haweenka Xabsiyada ku jira inay ku foolanayaan sida uu sheegay , halka qaarna sida uu sheegay ay uur leeyihiin .

Cali Khaliif Wuxuu ku goodiyay inay ka shalaayi doonaan dhibaatada Sida uu sheegay Maamulka Soomaaliland ay ka hurinayaan gobolada Sool, Sanaag iyo ceyn .

Wuxuu sheegay in marnaba aysan ogolaan Karin la gumeysto sida uu sheegay , waxaana uu carabka ku adkeeyay inay sida ugu dhaw ay arintaas uga jawaabi doonaan , waxaase uu xusay in dhankooda ayan diyaar u aheyn sida uu sheegay colaad ka dhacda dhulka Khaatumo.

Somaliland iyo Khatumo State ayaa isku haya Maamulidda Goboladsa Sool , Sanaag iyo Ceyn inkastoo qeybna ay ka sheegenaeyso Dhulkaas Maamulka Puntland.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA XILDHIBAANKA

Halkana ka dhageyso xildhibaan Cali qaliif Galayr

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com