26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Congress-ka Mareykanka oo ansixiyey sharcigii ugu muhiimsanaa Somalida

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington DC (Caasimada Online) – Aqalka Congress-ka Maraykanka ayaa sharciga horumarinta xawaaladdaha, kaasi oo u sahli doono dadka cusub ee Maraykanka inay lacago u diraan eheladooda dibedda joogta.

Sharcigan ayaa waxaa loo gudbin doonaa aqalka Senate-ka, si ay u meel-mariyaan, waxaana haddii ay meel mariyaan saxiixi doona madaxweyne Barack Obama.

Sharcigan ayaa khafiifinaya shuruucda lagu maamullo shirkaddaha xawaaladdaha, wuxuuna horseedi donaa in bangiyada Maraykanka ay dib u bilaabaan addeegii ay joojiyeen ee ay siin jireen shirkaddaha xawaaladdaha Soomaalida ee gobolka Minnesota.

Haddaba, sharcigan, iyo wuxuu uga dhigan yahay Soomaalida Maraykanka, ayaa waxaa laga wareystay Maxamud C/raxmaan Beene-Beene, oo ah madaxa Rugta Ganacsiga Soomaalida Minnesota, oo la hadlay VOA-da

Halkan ka dhageyso wareysiga

- Advertisement -

Read more

Local News