Muqdisho (Caasimada Online)- Caasimada Online ayaa idiin balanqaadeysa inay idinla socod siisa wax walbaa oo kusoo kordhaa xarunta golaha Shacabka oo maanta laga wada sugaya natiijada kasoo bixi karta.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xildhibaanada taageersan madaxweynaha Soomaaliya ayaa goordhow sheegay in shaqaalaha baarlamaanka ay xildhibaanada u qeybiyeen ajandaha shirka.
Wuxuu sheegay in xaalada ay tahay mid degen laakiin ay jiraan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo jeexjeexay warqadihii loo qeybiyay iyo liiska xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
Daahir Amiin Jeesow ayaa sidoo kale sheegay in xildhibaanada taageersan madaxweynaha ay ku rajo weyn yihiin in la dhameeyo howlaha xildhibaanada horyaala sida uu hadalka u dhigay.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

