Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawarai ayaa waxaa ku adkaatay inuu furo kulanka baarlamaanka Soomaaliya kaddib markii mar kale la fowdeeyey.
Gudoomiye Jawaari ayaa markii uu tagay hoolka baarlamaanka waxaa lagu sameeyay buuq aad u daran, taasi oo sababtay in xitaa hadal kooban uu ka jeediyo goobta.
Buuq badan kadib gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu ku laabtay xafiis uu ku leeyahay isla baarlamaanka dhexdiisa halkaasi oo uu ku sugan yahay iminka.
Video-gan waxa uu ku tusaya sida xaalka Jawaari ahaa iyo wixii ka dhacay xarunta baarlamanka

