Gudoomiye kuxigeenkii Shirkada Isgaarsiinta ee Hormuud Telecom Allaha u naxariistee Axmadey Abuukar Xasan (Axmadey Foodey) ayaa ku geeriyooday dalka Switzerland oo mudooyinkaan xanuunsanaa, halkaasi oo uu u tegay arrimo caafimaad.
Allaha u naxariistee marxuunka ayaa waxaa uu ka mid ahaa ganacsatada ugu caansanaa Soomaaliya, wuxuuna ahaa qof gargaar badan oo dadka dhibaateysan gurmad u fidin jiray, waxaana lagu bartay inuu ahaa qof samir badan.
Qoraal kasoo baxay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telcom ayaa waxaa tacsi loogu diray dhamaan Maamulka, saamileyda, shaqaalaha shirkadda, geerida ku timid Marxuum Axmadey Foodey.
Marxuumka ayaa lagu wadaa in dhowaan la keeno magaalada Muqdisho, si loogu aaso, waxaana lagu xusuusan doonaa howlihii baaxada lahaa ee uu shirkada Isgaarsiinta ka waday iyo taakuleynta dadka dhibaateysan.
Axmed Foodeey ayaa waxaa sidoo kale lagu xusuusan doonaa bini´aadanimadiisa iyo gargaarkii Kumamaan qoys uu u fidin jiray intii uu noolaa, waxaana xusid mudan in dad badan oo uu noloshooda kaalin ku lahaa in maanta ay tabi doonaan.
Sheekh Cumar Cabdulle Qaanso oo ka mid ganacsatada Soomaaliyeed iyo C/xakiin Bashiir Cali oo ka mid ah Dadka aqoonta u leh Axmeedey Foodeey ayaa waxay ku tilmaameen in marxuumka ahaa qof damiir bini´aadanimo iyo naxariis Alle ku beeray inuu lahaa, isla markaana ay dad badani xasuusan doonaan, waxayna tacsi murugu leh u direen qoyskii, qaraabadii, maamulka iyo shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee uu ka geeriyooday in uu samir iyo iimaan Alle ka siiyo.

