29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Jawaari oo joojiyey mooshinka C/WELI kuna dhowaaqay go’aan 10 qodob ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari, ayaa goordhow soo saaray warbixin ku saabsan wixii maanta ka dhacaya xarunta golaha shacabka iyo dhibatada ka taagan mooshinka laga keenay  ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed.

Warka qoraalka ayaa lagu sheegay in gudoomiye Jawaari uu hakad geliyey mooshinka in mar kale la horgeeyo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii uu saddex goor fashilmay, sida ku cad qodobka 10-aad ee warqadda soo gaartay Caasimada Online.

Sida qoraalka ku cad waxaa joojinta mooshinka loo sababeeyay inuu kala qeybiyay xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya, taasi oo dhalisay in Jawaari uu ku dhawaaqo joojinta mooshinka inta laga xalinayo khilaafka ka dhex oogan xildhibaanada.

Si kastaba waxaa xusuusin mudan in Jawaari uu joojinta ku sheegay hakad oo kaliya, oo aanu gebi ahaanba diidin mooshinka

Qoraalka kasoo baxay Jawaari, oo ka kooban 10 qodob ayaa nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyey Caasimada Online ee hoos ka aqriso.

jaw1jaw2

- Advertisement -

Read more

Local News