26.5 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

Dhageyso: DF oo la sheegay in shirka Jubba iyo mid kale ay isku dul furtay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beydhabo (Caasimada Online) Beydhabo waxaa Wali ka soconaya Qorshaha Maamul Mideysan oo ay yeesheen Lixda Gobol ee Sh/Hoose, Gedo, Labada Jubba , Baay iyo Bakool , Kaas oo ay wadaan Siyaasiyiin iyo Waxgarad is Abaabulay.

Inkastoo taasi ay jirto Hadana Muqdisho waxaa Maanta ka furmi Doono Shir looga hadlayo aayaha 3- gobol oo ka mid ah kuwa ay siyaasiyiinka ku kulansan Beydhabo ay tirsanayaan Sida Gedo, iyo Ladabada Jubba , waana Sababata keeneysa in dad badan ay siyaabo kala duwan u fasirtaan arintan .

Malaaq Shiino, wuxuu ka mid yahay ragga Horboodaya Dhismaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia Warbaahinta ayuu uga warbixiyay Shirka Muqdisho iyo waxa ay ka filayaan dhankooda iyo Aragtidooda ku aadan shirkaas.

Wuxuu sheegay in Dowlada Somalia ay ku dhaqmeyso Laba Waji oo ah in marna ay aqbasho Dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed Somalia Marka ay Gooni ula Buusanto ama si gaar ah ay ula safato Maamulka Jubba ee Axmed Madoobe uu hogaamiyo.

Malaaq Shiino, wuxuu sheegay in dowlada Somalia laga rabo inay hal wado ku toosto , waxaana uu sheegay inuusan dhankiisa aqoon saneyn Maamulka Jubba , isagoo sheegay in Jubbooyinka iyo Afar gobol oo kale inay ku howlan yihiin Sidii maamul mid ah ay ugu sameyn lahaayeen.

Aqbalitaan Wax waliba oo kasoo baxa shirkan ayuu sheegay inay tahay mid aad u adag , waxaana si cad uu u sheegay in dhankooda aysan aqbali doonin isla-markaana wax ka quseeya aysan jirin shirka Maanta Muqdisho ka furmaya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo Beydhabo Booqday Dhowaan , wuxuu aqbalay Dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed Somalia inkastoo Madaxda kale ee dowlada Siyaasad ahaan aysan Fikirkaas la wadaagin .

Halkaan ka dhageyso Codka Malaaq Shiino

Caasimada Online

Xafiiska Beydhabo

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News