Muqdisho ( Caasimada online) Xoghayaha gudiga xaqiiqo raadinta,dib uheshiisiinta iyo hanti isku celinta baarlamaanka Somaliya Cabdullaahi maxamed Xersi (Qorax) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay shir ay dawlada ku baaqday kaas oo uu sheegay in aan wali la qaban sida uu tilmamay.
Wuxuu sheegay inay muhiim tahay soo dadajinta dowlada Federaalka Soomaaliya inay qabato Shirka dib uheshiisiinta ee Jubbooyinka oo muqdisho inuu ka dhacayo la sheegay wakhtiga uu dhacayana lasoo gudbiyo sida uu hadalka u dhigay.
Cabdullaahi maxamed Xersi Xoghayaha gudiga xaqiiqo raadinta,dib uheshiisiinta iyo hanti isku celinta baarlamaanka Somaliya ayaa ka digay in hadii lasoo gudbin waayo wakhtiga shirka la qabanayo inay dhici karto indagaal iyo dhiig uu ku daato mar kale gobollada Jubbooyinka sida uu Shaaciyay
Wuxuu xusay inay wali tahay Kismaayo mid aan salfadhiyo lahayn sida uu sheegayna Dawlada Soomaaliya inay xalka mushkilada wali jirta ay tahay inay lasoo dadajiyo Shirka dib uheshiisiinta Jubbooyinka ee Xamar ka dhacaya.
Dowlada Soomaaliya ayaa laga war sugayaa waxa ay arintan ka qabato maadaama laga sugayo shir looga hadlayo aayaha gobolada jubbooyinka oo Muqdisho ay balan qaaday dowladu inay qabaneyso.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka Xildhibaanka
Halkaan ka dhageyso Cabdullaahi maxamed Xersi
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho

