Dhageyso: DF oo markii ugu horreysay war kasoo saartay shirka ka socda Garoowe

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sheegay inuu meel wanaagsan marayo wada hadalka u socda madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada, kuwaasoo shir galay maalinkii 4-aad u socdo.

Mahdi Guuleed waxa uu sheegay in arrimaha diirada la saarayo ay yihiin kuwo muhiim u ah dalka, uuna rajeynayo in is fahan ay ka gaaraan dhamaan dhinacyada Soomaalida ee fadhiga ku leh Caasimada mamaulka Puntland.

Waxa uu cadeeyay in shirka si aad ah loogu gorfeynayo arrimaha Amaanka, Siyaasada, Dhaqalaaha iyo arrimaha Bulshada, qoodbadaas oo uu sheegay inuu ka qabo yidadiilo ku aadan iney ka soo baxaan natiijo wax ku ool ah.

Shacabka Soomalaiyeed ayuu ugu danbeyn ka codsaday Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Soomaaliya iney taageeraan shirka, una duceeyaan madaxda sidii ay u soo saari lahaayeen qodobo ay ku mideysan yihiin oo dalka iyo dadkaba wax u tara.

Hoos ka dhageyso ra’iisul wasaare ku xigeenka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com