Haddii shirka Garowe lagu kala tago maxaa dhici kara?

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa maalintii Afaraad galay Shirka magaalada Garowe ee Puntland uga socda Dowladda Soomaaliya iyo Maamul Gobaleedyada kaas oo ilaa hadda ay taagan tahay doodiisa iyo muranka u dhaxeeya dhinacyada shiraya.

Shirka ayaa u dhaxeeya inuu fashil ku dhamaado iyo in lagu heshiiyo marka loo eego heerka ay xiligaan taagan tahay xaaladda siyaasadeed ee dhinacyada ku shirsan Garowe.

Dad badan ayaa aaminsan in kulankaan uu yahay kii ugu adkaa uguna waqtiga dheeraa waxaana dhinacyada ay u hadlayaan si ay caro iyo doodo ku dheehan tahay.

Dad ku sugan magaalada Garowe ee Puntland ayaa Caasimada Online u sheegay in maamul Gobaledayda ay soo bandhigeen tabashooyin tiro badan oo ay sharuud ku xiran tahay sidii loo xalin lahaa.

Maamul gobaleedyada ayaa u sheegay hogaanka Dowladda Soomaaliya in aysan ka aqbali doonin sida ay hadda wax u wado iyo sidii ay u soo maamushay xaalado laga soo gudbay oo ku laabasho u baahan.

Waxay u muuqataa hadii shirkaan guul darro ku soo dhamaado in aysan qabsoomin doorasho, in aan la dhameestirin dastuurka qabyada ah, in aan waxba laga qaban dhismaha Ciidamada iyo in aysan halkaan dhaafin dhamaan shaqooyinka horyaala dowladda Soomaaliya.

Khubaro dhanka siyaasadda ah ayaa qaba in dalka uu gali karo xaalad siyaasadeed iyo mid amni dowladana ay weyn karto degaanada ay maamulaan dowlad Gobaleedyada islamarkaana aysan saameyn ku yeelan doonin doorashooyinka ka dhacay Kismaayo iyo Dhuusamareeb.

Sidoo kale hadii aan guul laga gaarin Shirka Garowe waxay u muuqaataa in xaalad rajo beel ah ay geli doonto wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland. Dadka qaar ayaa sheegaya in Afarta sano ee Farmaajo dhamaan doonto iyadoo aan maalinna aan kulan lala yeelan Somaliland.

Waxaa muuqata in walaac xoog leh laga qabo sida ay noqon doonto natiijada Shirka ka socda Garoowe waxayna dad badan oo Soomaaliyeed ay ku talinayaan in ay dhinacyada muujiyaan tanaasul iyo isu dulqaadasho ballaaran si looga gudbo caqabada horyaala Dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com