Axmed Ismaaciil Samatar oo si kulul uga hadlay xayiraddii lagu soo rogay

Hargeysa (Caasimada Online) ― Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa markii u horeysay ka hadlay xayiraad ay dhawaan ay kusoo rogtay Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xukuumada Biixi ayaa hore ugu diiday Prof Samatar in uu kulan ku qabto gudaha magaalada Boorama ee Gobolka Awdal, iyada oo markii dambe dadaal badan kadib loo ogolaaday.

Prof. Samatar ayaa doqonimo ku tilmaamay in gobalka uu ka soo jeedo ee Awdal ay xukuumada Biixi isku daydo in aanu ku qabsan karin xaflad uu dadka kula hadlaayo.

Waxa sidoo kale uu ka hadlay Prof Samatar saraakiishii ka tirsanaa ciidamada Somaliland ee dhawaan lagu dilay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag.

Prof Samatar ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in dastuurka Somaliland u ogol yahay inuu shir qabsado oo uu wixii sharcigu ogol yahayna uu ka hadlo, isagoona u mahad-naqay bulshada reer Boorama oo ku tilmaamay inay ka adkaadeen xukuumada Biixi.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka hadlaya arrimahaasi, isagoo kulan ku qabtay Borama ayaa wuxu yiri “Shirkan aan ku jirno oo in muddo ahba uu guuxeedu isoo gaadhayay in la yiri yaan shirkaas la qaban, Axmed Samatar iyo inta la socotaana yaanay Boorama iman, warkaasi waa uu i soo gaaray, qodobka 32-aad ee dastuurka Somaliland waxa uu dhigayaa in qofka reer Somaliland uu xaq u leeyahay inuu si xor ah u abaabulo shir inuu dad isugu yeedho wax alle iyo waxii uu doono ee sharciga dalku uu ogol yahayna uu ku hadli karo”.

“Anigu waxaan qabaa dastuurkana in aanay waafaqsanayn sidaas laysku dayay in la sameeyo, nacasnimo iyo doqonimo weyna ay tahay in qof la yiraahdo degmadii aad u dhalatay ma iman kartid, laakiin waxa farad weyn ii ah dadkii magaaladan deganaa iyo hareeraheeda iyo inta dibada ku maqan inay isku tageen oo si aad iyo aad ah oo qiimo leh ay uga adkaadeen hadalkaasi meeshii uu ka yimi iyo dadkii ka danbeeyay oo waynagaas caawa inaga oo is ogol wada sheekaysanayna, markaas aad ayaad u mahadsantihiin”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Anigu waxaan qabaa labadaas sarkaal ee tolka ah ee iyaga oo aan waxba galabsan oo shaqadii dawlada ee loo diray gacanta ku haya in la ugaadhsado oo la dilo, dilka caynkaas ah waa uu ka duwan yahay dilalka kale waayo dadka socda ee sharcigii ku socda ee hawshiisii qabsaday in dad gaar ah ay doortaan inay dilaan, dilka arimaha ugu xun ayay ka mid tahay markaas anigu aad iyo aad ayaan taas uga murugaysanay wax la ilaabi karana oo mar dhacayna iilama muuqato oo waa wax xasuusta galaaya tolka iyo umaddaba”

“Marka arimaha waaweyn laga hadlayo arimahaas waaweyn ayay ka mid noqonaysaa waxaanan ku talinayaa in dilka caynkaas ah uu yahay mid deg deg wax looga qabto dadkii waxaas gaystayna degdeg loo soo qabto ee aanu wareegin hore ayay noo soo martay, dad tolka ah oo lagu laayay magaalada Dilla duleedkeeda oo iska wareegtay iska wareegtay arintaasi mar labaad, mar idage Alle ha dago mar labaad I dagana aniga ayaa is dagay markaas ma yeelayn”.

“Anaga oo toban indhood leh ayaanu ku eegaynaa dacwadaasi halkay marto iyo deg-degeeda,waxaan intaas ku darayaa qoyskii labadaas sarkaal laga dilay iyagana waxii umaddi ay samayn karto ee kartida aadmi gaadhi karto in la abaal mariyo ileen carruur agoon ah ayaa jirta iyo xaasas, Somalilandna waxii maanta ka danbeeya dawladeeda iyo dadkeedu in aanay u dulqaadan karin waa in laysla gartaa”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com