Dhageyso: DF oo gacanta ku dhigtay nin gacanyare u ahaa Masnur Al-amriki

Muqdisho (Caasimada online) Golaha wasiirada Xukuumada Soomaaaliya ayaa maanta kulankooda todobaadlaha ah waxay kaga warameen arimo ay ka mid yihiin Shirkii Brussels kusoo dhamaaday, qabashada degmada Mahadaay iyowaliba  qabashadii rag  Xoghayihii Al-amriki uu ku jiro.

Ridwaan  Xaji Cabdiwali, Afhayeenka xukuumada Soomaaliya oo ka warbixinayay kulankii maanta gollaha Wasiirada ayaa sheegay in gacanta kusoo dhigeen dhowr qofood oo kamid yahay Xoghayntii Abu Mansuur Al-amiriki sida uu sheegay Afhayeenka.

Ridwaan wuxuu  sidoo kale sheegay in Ciidamadda dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha dhexe taas oo uu ky sheegay inay tahay guul usoo hoyatay Bulshada Soomaaliyeed iyo dowladaba.

Kulanka gollaha wasiirada inta uu socday waxaa lagu magacaabay Labo Safiir oo loo kala magacaabay dalalka Ciraaq iyo Imaaraadka Carabta kuwaas oo halkaasi ka howlgali doona sida qorshaha uu yahay.

Shirkii Dhawaan kusoo dhamaaday ayaa golohu wuxuu ku tilmaamay mid guul usoo hoyatay soomalaiya ahaa, waxaana ay ka dalbadeen shacabka Soomaaliyeen inay ku fakaraan sidii ay kaga faa’iideysan lahaayee dhaqaalaha loo yaboohay Soomaaliya kuwaas oo lagu hor marin doono adeegyada aas aasiga ah.

Kulankii gollaha wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shir Guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa waxaa looga hadlay arimo dhowr oo kamid yihiin ammanka dalka .

Halkaan  ka dhageyso Codka Shirka golaha wasiirada 

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com