Dhageyso: DF Soomaaliya oo dalka ka mamnuucday dhowr diyaaradood

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dalka ka mamnuucday diyaaradaha loo yaqaan Antanov ee lagu sameeyey dalkii Midowga Soviet, sida uu shaaca ka qaaday barnaamija Galka Baarista ee Idaacadda VOA.

Diyaaradahan oo kala ah afarta nooc ee loo kala yaqaan Atanov 12, Atanov 24, Atanov 26, Atanov 32, ayaa loo sheegay inaan loo cusbooneysiin doonin ruqsadda ay uga shaqeeyaan Soomaaliya, islamarkaana ay dalka ka baxaan.

Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya ayaa shirkadaha isticmaala diyaaradahan u qabatay inay dalka ugu dambeyn ka saaraan 28-ka Febraayo ee 2019, hase yeeshee waxaa loogu daray laba toddobaad, waxaana loo qaabtay 15-ka March 2019.

Diyaaradahan ayaa ah kuwa xamuul oo xilligan aan qaadin shacab, waxaana badankood isticmaala Amisom iyo shirkdaha alaabta xamuulka u qaada dadweynaha.

Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya ayaa go’aanka lagu mamnuucay diyaaradahan sabab uga dhigtay inay halis ku yihiin dadka, islamarkaana aysan Afrika ku lahayn goobo lagu dayactiro, taasi oo qasabta in gudaha garoonka diyaaradaha lagu dayactiro.

Jaamac Axmed Muuse oo ah ku-xigeenka maareeyaha Haya’dda Duulista Hawada Soomaaliya, ayaa sidoo kale  sheegay inay aad u qeylo badan yihiin oo dadka ay ku sababaan madax xanuun.

Diyaardaahan ayaan sidoo kale lahayn aaladda ka hor-tagta ama uga digta diyaaradaha kale marka ay kusoo dhowaadaan, ee loo yaqaan Traffic Collision Avoidance System, taasi oo dhalin karta shil-diyaaradeed.

Hoos ka dhageyso Galka Baarista

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com