Muqdisho (Caasimada Online) – Faarax Sheekh Cabdiqaadir, Wasiirkii hore ee Cadaallada, ahna Xildhibaanada ka tirsan Aqalka hoose ee Barlamanka Somalia ayaa qiray in dowladda uu katirsanaa ee Xasan Sheekh hogaaminayay ay ku fashilantay dib u habeynta Adeegga Garsoor dalka, sidaas darteedna u dhacday
Isagaa ka hadlyaya Kulankii Barlamanka ee su’aallo lagu waydiinayay Wasiirka Cadaalada, ayaa sheegay in ay Xukuumadii hore ay u dhacday inay sixi waysay khiladaadkii ka jiray Garsoorka.
Faarax Cabdiqaadir ayaa kula taliyay Wasiirka Cadaaladda in Gudiga Adeegga Garsoor ee uu soo dhisayo inuusan kusoo darin Liiska Xubnihii hore, oo uu ku eedeeyay inaysan isaga fashiliyeen.
“Waxaan ka xumahay inaan sameyn waayay Gudiga Adeegga Garsoorka, xilligaan Wasiirka Cadaalada ahaa, waxaana qirayaa in Xukuumadii aan kamid ahaa u dhacday Garsoorka oo la habeyn waayay,” ayuu yiri Faarax Sheekh Cabdiqaadir.
Wuxuu sheegay Xildhibaan Faarax in ay Madaxdii hore ay u arkayeen dib u habeynta Garsoor beegsi iyaga loola jeedo, sidaasi dardeedna ay caqabad ku noqdeen in la saxo daldalooladii ka jiray adeegga Garsoorka dalka.
“Waxaan rabaa in aan dadka Soomaaliyeed u sheego, oo inagana isku sheegno, Garsoorka waa laga cabsoodaa, Garsoorka isagaa kala cabsooda, Dib u habeynta Garsoorka waxaa ka cabsooda dad Garsoorka ku jira oo awood leh, waxaa ka cabsooda, Golaha fulinta iyo Baarlamaanka, marka waa inaan ka shaqeyno in dadka cabsidaasi laha baabi’iyo,” ayuu yiri Faarax Cabdiqaadir.
Hoos ka dhageyso codka Faarax Sheekh C/qaadir
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

