Xog: Kadib Xoosh Jabriil, yaa xiga oo baarlamanka uu xilka ka qaadi doonaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamanka Soomaaliya ayaa la filayaa inay toddobaadkan gudihiisa cod u qaadaan oo ay xilka ka qaadaan wasiirka dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil, oo ay ugu carrodeen markii uu faro-gashtay dood ka dhex oogneyd maxkamadda sare iyo baarlamanka.

Dadaallo uu sameeyey madaxweyne Farmaajo oo la rabay in lagu badbaadiyo ayaa socon waayey, waxaana guddoomiyaha baarlamanka Jawaari uu sheegay in xildhibaanada diidan ay aad u badan yihiin.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in kadib Xoosh Jabriil, baarlamanka ay cod u qaadi doonaan, islamarkaana xilka ka qaadi doonaan taliyaha nabad-sugidda Cabdullaahi Sanbaloolshe.

Xildhibaanada ayaa ka carreysan hadal uu Sanbaloolshe ku weeraray xildhibaanada, si gaar ahna Mahad Salaad, islamarkaana uu ciidamo hub raadinaya u diray guriga xildhibaan Yuusuf Kabaale.

Ficillada Sanbaloolshe ayaa dhaliyey in xildhibaano dhowr ah ay billaabaan durba diyaarinta mooshin xilka looga qaadayo Sanbaloolshe, ayaga oo sidoo kalena qorsheynaya inay uga yeeraan baarlamanka, waxna ka weydiiyaan weerarkii uu ku qaaday xasaanadda xildhibaanada.

Sanbaloolshe oo hadda ka hor xilka, oo kale ku waayey kadib markii uu xiray xildhibaan, islamarkaana aflagaadeeyey ra’iisul wasaare ku xigeen, ayaa ay u badan tahay inuu xilka weyn doono, sida xildhibaanada ay aaminsan yihiin.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska  Muqdisho
Caasimada@live.com