Dhageyso: Faarax Macalin oo shaaciyey dalalka ka dambeeya xiisada Soomaaliya iyo Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Faarax Macalin oo horay u soo noqday guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya ayaa shaaciyey dalalka ka dambeeya xiisada xoogan ee haatan u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Faarax Macalin oo Wareysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Sucuudi Carabiya ay yihiin dalalka hoos ka hurinaya xiisadaasi.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya ayaa xusay in sirdoonada dalalkaasi oo ku xoogeystay Nairobi ay gadaal ka riixayaan muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in Kenya lagu leeyahay deymo badan, sidaasina ay uga faa’iideysanayaan dalalka Carbeed oo uu xusay inay faragelinayaa arrimaheeda.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in Sacuudiga iyo Imaaraadka ay horay lacago u siiyeen dalalka Ethiopia iyo Eritrea, si ay uga qeyb qaataan xiisadan, balse Madaxda dalalkaasi ay Lacagaha qaateen, islaamarkaana ay ballamadii uga baxeen, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale waxa uu eedeyn u jeediyay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Munica Juma oo uu sheegay inay marar badan ka soo muuqatay shirar ka dhan ahaa Soomaaliya.

Faarax ayaa sheegay in haatan ay sii hurineyso khilaafka labada dal, iyada oo ah wasiiradii arrimaha dibadda ee dowladda Kenya.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli bisha September ee sanadkan la filayo in Maxkamadda ICJ ay dib u furto dacwadda badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com