Dhageyso: Faarax Macallin oo kashifay shirqool loo dhigay Somalia iyo halista shirka Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka dalka Kenya Faarax Macalin oo warbaahinta la hadlay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay shir ay iskugu imaanayaan Madaxda maamul Goboleedyadda oo ka dhacaya magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubba-land.

Faarax Macalin ayaa sheegay in shirkaas uu yahay mid caqabad ku ah hormarka dalka Soomaliya,  islamarkaana loogu baahan yahay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaliya in ay ka hortagaan sidii loo baajin lahaa shirkaas.

“Waxaa Jira waxyaabo caqliga diidaya,  oo Maskaxdana aan galaynin, Soomalida dhankooda dabeecad ayay ka dhigteen waana jaajuus waana qaainul wadan, Soomaliya waxaa lagu soo duulay 1977-dii, taasi waxaa fududeysay sirtii Soomaliya oo cadowga loo gacan galiyay”,  ayuu yiri Siyaasiga Faarax Macalin.

Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin oo ka hadlayay shirka ka dhacaya magaaladda Kismaayo oo ay isugu imaanayaan madaxda Maamul goboleedyadda ayaa sheegay in shirkaas uusan dan ugu jirin umadda Soomaliya.

“Maamul goboleedyadu waa dambiilayaal,  Carabtu waa gun aan sharaf aqoonin,  Soomaaliya waxey u baahan tahay Siyaad Barre oo kale,  Colaadda Soomaliya waxay ka socotaa Khaliijka Carabta”.ayuu mar kale yiri Guddoomiye ku Xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin.

Shirka Ka dhacaya magaaladda Kismaayo ayaa loo arkaa mid caqabad ku ah hormarka dalka Soomaliya, inkastoo Madaxweynaha maamulka Jubba-land Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe), uu sheegay in shirkaas uusan aheyn mid caqabad ku ah Soomaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka  Faarax Macalin 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com