Dhageyso: Fannaanka Maxamed Bakaal (CIRRO) oo shaaciyey cidda ka dambeysay xarigooda..!!

Hargeysa (Caasimada Online) – Fannaaniinta kooxda Xiddigaha Geeska oo maalmihii u dambeeyay ku xidhnaa Hargeysa ayaa maanta la sii daayay ka dib markii maxkamadda gobolka Hargeysa ay amartay sii deyntooda.

Maxkamadda ayaa qaraar ay soo saartay ku sheegtay in aan qofna xorriyaddiisa looga qaadi karin si aan sharciga waafaqsanayn, isla markaana aanay ahayn in qofna la xidho isagoon faraha dembi kula jirin.

Fannaaniinta ayaa markii lasoo daayey sheegay inaysan gelin wax dambi ah.

Idaacadda VOA, ayaa warreysatay Maxamed Axmed Bakaal (Cirro) oo ka mid ahaa fannaaniintaas afarta ah ee xidhnaa lana soo daayey, wuxuuna ka warramay cidda ka dambeysay xarigooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com