Xog: Xildhibaan kashifay sir muddo qarsooneyd

Muqdisho (Caasimada Online)-  Iyadoo dhowr jeer madaxda Ahlusunna Wal-jameeca ay sheegtay in Dowlada Federaalka ah ee Somalia ay hub farabadan ugu yaboohday Maamulka Galmudug ayaa waxaa arrintaasi xaqiijiyay Xildhibaan ka tirsan BF oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Xassan Sheekh.

Xildhibaanka oo sababo jiro awgeed uga gaabsaday magaciisa ayaa sheegay in Madaxtooyada Somalia ay 2 jeer hub u daabushay Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in Hubkaasi laga saaray Bakhaarka weyn hubka ee ku dhex yaalla Madaxtooyada waxa uuna Xildhibaankaasi sheegay in Hubkaasi ay rareen Saraakiil ka howlgasha Madaxtooyada Somalia.

Ujeedka Hubka ayuu sheegay inay tahay in Maamulka Galmudug uu u adeegsado Maamulada Puntland iyo Ahlusunna wal-jameeca, kuwaasi oo ay colaad kala dhexeyso Galmudug.

Dadaalka lagu raray hubkaasi ayuu sheegay inuu gacan ka geystay Taliyihii Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Ibraahim Sheekh Muxidiin oo isagu loo igmaday kor kala socodka howshaasi.

Hubka la raray ayaa waxa uu u badnaa hubka culus iyo kuwa fudud.

Geesta kale, Madaxtooyada Somalia ayaa si gaar ah u daneyneyso Maamulka Galmudug oo uu hogaamiyo saaxiibka gaarka ah ee Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com