XOG: Shirkii ka socday gobolka Gedo oo FASHIL ku soo dhammaaday iyo dagaal laga cabsi qabo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Fashil uu kusoo dhamaaday kulan muddo 3 asbuuc ah ka socday Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Kulanka ayaa waxa uu u dhexeeyay Maamulka Degmada Garbahaarey, Gudoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Max’ed Cabdi Kaliil, Siyaasiyiin , Xildhibaano ka soo jeeda Jubbooyinka , Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland kaasi oo ujeedkiisu ahaa in xal looga gaaro khilaafka u dhexeeya Maamulkii hore ee Gedo iyo kan dhawaan uu magacaabay Axmed Madoobe, waxaana iminka la soo warinayaa in biyo dhiciisu uu noqday Fashil.

Fashilka shirkaasi ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Cabdi Shire oo ah Siyaasi ka soo jeeda Gobolka Gedo, waxa uuna sheegay in rajadii laga lahaa xal u helida Khilaafka uu maanta noqday mid kusoo dhamaaday is afgaran’waa.

Waxa uu Siyaasigu sheegay in muddo badan kadib maanta Max’ed Cabdi Kaliil uu cadeeyay in mowqifkiisu uusan aheyn in uu heshiis lagalo Maamulka cusub ee Godo, wuxuuna cadeeyay in Kaliil uu qaatay fikirkaasi wada hadalka ah.

Shirka ayaa maanta kusoo dhamaaday Fashilkii laga cabsi qabay waxaana madasha shirka oo aheyd Garbahaarey ku kala booday dhinacyadii uu u dhexeeyay Khilaafka.

Waxaa laga cabsi qabaa in Max’ed Cabdi Kaliil uu halkiisii kasii anbaqaado duulaankii uu kaga soo horjeeday Maamulka Axmed Madoobe uu dhawaan dhisay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com