Qaramada Midoobe oo soo saartay war culus oo ku saabsan shidaalka laga baarayo Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Soma Oil & Gas oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska oo aay baaritaan ku wadaan xafiiska ka hortagga musuqmaasuqa ee dowladda Britain, ayaa weydiisatay dowladda Ingiriiska in aay ka hortagaan qaraar aay qaramada midoobay soo saareen oo lagu wado in hakad lagu geliyo heshiiska dhinaca shidaalka ah oo aay geleyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxa shirkadda Soma Oil Michael Howard oo horay u ahaa hoggaamiyihii xisbiga muxaafidka ah, ayaa waraaq u qoray wasiirka arrimaha dibadda dowladda Ingiriiska isagoo markaa codsanayo shir deg-deg ah iyo in aay dowladda masuul ka saran tahay in aay difaacaan xiisaha ganacsi ee shirkadda Soma Oil ee wadamada Geeska Africa.

Soma Oil ayaa ku bixisay adduun dhan $40 Million oo dollar baaritaanka dhul baaxaddiisu dhan tahay 60,000 oo Km/2 dhanka xeebaha dalka Soomaaliya.

Waxaa falkan uu abuuray in caalamka uu is weydiiyo in Soomaaliya aay tahay waddan madax bannaan iyo in kale. Dhaqanka noocan ah ayaa inta badan waxaa aay qaramada midoobay u isticmaashaa waddamada ku jira (TRUSTEE-SHIP) ama kuwo aan weli helin madax bannaani buuxda.

Dowladda Koonfurta Suudaan ayey ahayd middii diiday markii aay heshiis dhinaca Shidaalka ah lagashay dalka Shiinaha ama noocan oo kale ah, kaa soo markii danbe keenay in waddanka uu ka bilowda dagaal sokeeye.

Sida uu ku sheegay qudbadiisii kal fadhigii 70 ee qaramada midoobay, Madaxweynaha dalka Ruusha Putin, ayaa ku tilmaamay qaramada midoobay in aay tahay hay’ad u shaqeysa danaha reer galbeed aanan dhex-dhexaad ka ahayn dagaalada ka socda meelo badan sida Suuriya, Falastiin iyo Soomaaliya.

Xigasho Bloomberg

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho