Wasiirada DFS oo isku raacay ARRIN xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Cabdullaahi Jaamac Il-ka-jiir, iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Ansixinta sharciga wax ka qabadka Miinada iyo Walxaha Qarxa, Ansixinta dhismaha Hay’adda wax ka qabadka Miinda iyo Walxaha Qarxa (SEMA).

Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyntii si qota dheer uga dooday hindise sharciyeedka wax ka qabadka Miinda iyo Walxaha Qarxa oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Amniga gudaha, waxaana faah faahin dheer ka bixiyay Wasiirka Wasaaradda Amniga Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, isaga oo xusay in muhiimad gaar ah ay leedahay helista iyo nidaam xaqiijinaya wax ka qabadka Miinada iyo Walxaha Qarxa oo dhibaato ku haya dadka iyo xoolaha ku dhaqan miyi iyo magaaloba, maadaama dalku soo maray dagaalo kala duwan ayna jiraan walxo aan weli qarxin, kuna aasan dhulka hoostiisa, markastana ku qarxa si aan ku talagal aheyn, ayna dhibaateeyaan shacabka iyo hantidiisaba.

“Waxaa cad baahida loo qabo in la helo barnaamij ku haboon howsha Miinada laguna baajinayo dhibaatada iyo khatarta aadami ee ka dhalata Miinda dhulka iyo walxaha aan weli qarxin” ayuu yiri Wasiirka oo xusay in Miinada iyo Waxlaha kale ee qarxa ay dib u dhac dhaqaale u keento degaanada, maadaama laga cabsi qabo in la maalgashado ama dib u dhis iyo horumarinba lagu sameeyo.

Golaha Wasiirada ayaa ugu dambeyntii ansixiyay sharciga wax ka qabadka Miinada iyo Walxaha Qarxa, waxayna sidoo kale isla kulankoodan ku ansixiyeen dhismaha hay’adda wax ka qabadka Miinada iyo Walxaha Qarxa (SEMA).

Ugu dambeyntiina golaha Wasiirada ayaa meel mariyay xeer nidaamiyaha hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa gudaha ka howlgala ee ka shaqeeya howlaha Miinada iyo Walxaha Qarxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com