Dhageyso: FARMAAJO oo shaaciyey qorshaha DF ee doorashada Somalia 2021

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi dheer siiyey TV-ga qaranka Soomaaliya ayaa kaga hadlay guud ahaan xaaladaha ka taagan dalka Soomaaliya.

Intiinii la socotay Shabakadda Caasimadda Online ayaa waday qoraalo kala duwan oo ay ka sameeneyso wareysigaan, waxaana markaan soo qaadaneynaa rajada uu Madaxweyne Farmaajo ka qabo inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2021.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tibaaxay inay dowladiisa xilli hore bilowday shaqooyin lagu doonayo in dalka lagu gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna tilmaamay inuu aaminsan yahay haddii ay wax walba sidaan kusii socdaan inay dalka ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah sanadka 2021.

“ Shaqooyink aan hadda bilownay runtii waqti fiican ayaan bilownay, wax kasta aan qorsheyn karno, dadka aan la tashan karno, aqoonyahanada aan ka qeyb gelin karno howshaan, hadii ay noqon laheyd qaabka ay doorashada u dhici karto iyo dhameystirka dastuurka, haddii sidaan aan hadda ku wadno kusii wadno waxaan aaminsanahay inaan  dalka gaarsiin karno doorasho qof iyo cod ah” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inay Shacabka Soomaaliyeed gaarsiin doonaan awood buuxda oo ay ku doortaan cidda ay doonayaan isla markaasna aysan mar dambe dhihin waxbaa nagala haleeyey maadaama ay iyaga dooranayaan cidda ay doonayaan, wuxuuna yiri:

“ Shacabka Soomaaliyeed ayaa talada dib ugu celin doonaa, mar kale aysan sheegan karin in wax laga haleeyey, maxaa yeelay iyagaa iska leh go’aanka, iyagaa dooran doonaan cidda ay rabaan, marka in aan gaarsino awoodaas shacabka ayaan rabnaa ayna keensadaan qof ay is leeyihiin waa qof wadaninimadiisa ay fiican tahay, amaanada adkeeyo, Masuuliyadda na saaran waa inaan keeno qaabka ugu fiican, waxaana arrintaas lagala tashan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada” .

Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo aadayo xilli dhawaan ay dowladda dhexe iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ku heshiiyeen inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2021 kadib shirkii ka dhacay Magaalada Baydhabo oo qaatay ku dhawaad Asbuucc.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Madaxweyne

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com