Dhageyso: Faroole iyo Gaas oo is haya & Diyaargarowga doorashada P/Land

Garoowe (Caasimada online) Ra’iisul Wasaarahii hore ee dowladii KMG aheyd C/wali Maxamed Cali Gaas, iminkana ah musharaxa madaxtinimada maamulka Puntland, ayaa deegaanada Maamulka Puntland uu ka arimiyo ku tilmaamay mid Nasiib darro ay ku dhacday .

Isagoo Magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka carabta kula hadlaye dad isaga taageersan, ayuu sheegay in maamulka Puntland uu yahay maamul ayaandaro ay haysato oo xilli waliba hogaanka uu uqabto qof aan wanaagsaneyn, isla markaana aan u qalmin hogaaminta Shacabka reer Puntalnd .

“Puntland waa gabar qurux badan oo gaari ah, laakiin ayaandaradeeda marwaliba Aalkoliiste ayaa guursada oo qamriya cab ah”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG aheyd C/wali Maxamed Cali Gaas.

Wuxuu kula dardaarmay reer Puntland inaysan guursan Aalkoliiste danbe isagoo yiri “ Marka waxaan leeyahay Puntlandneey Aalkoliiste danbe ha guursan, ee ka fiirsada aayaha shacabkiina iyo cida aad dooneysaan”

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxmuud Faroole, ayaa dhankiisa ugu Baaqay odayaasha iyo Waxgaradka reer Puntland inay ka fiirsadaan Cida ay usoo xulayaan ka mid noqoshada gobolaha Baarlamaanka Puntland.

Wuxuu ka dalbaday inay soo doortaan Xildhibaano karti leh isla-markaan ka fakari kara aayaha Deegaanada maamulka Puntland uu ka arimiyo Isbadal wanaagsan shacabka u horseedi kara,

Faroole ayaa sheegay in maamulkiis uu damaanad qaadayo sugidda dhanka amniga ee deegaanada maamukaas inta lagu guda jiro doorasha heerka madaxtinimo ee Puntland .

Sanadka cusub Bisha January ayaa lagu wadaa in deeganada Puntland ay ka dhacdo doorashooyinka Madaxtinimada maamulkaasi oo hada diyaargaroowgooda laga dareemayo deeganada maamulka Puntland.

Halkaan hoose ka dhageyso

Madaxweynaha maamulka puntland

Caasimada online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com