Dhageyso: Feysal C Waraabe oo runta u sheegay Xasan Sheekh “Hawiye wuu ka haray Soomaalida kale ee u tasho”

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland, Feysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in wada-hadallada Somalia iyo Somaliland, aysan marnaba ku saabsanaan karin in labada dhinaca ay dib u midoobaan.

Feysal, ayaa u sheegay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud inuu dadkiisa iyo beeshiisa Hawiye u tashto, oo sida uu sheegay ka hartay Soomaalida inteeda kale, intii uu ku mashquuli lahaa Somaliland.

“Waxaan u sheegayaa Xasan Sheekh in maanta Hawiye uu isaga u baahan yahay, waxaan oran lahaa Hawiye u dhis maamul ayagaa kuu baahan’e oo Somaliland ha ku mashquulin” ayuu yiri Waraabe.

Feysal Cali Waraabe, ayaa tusaale usoo qaatay in Puntland ay iminka caleemo saartay madaxweynihii afaraad, ayna mudan tahay in lagu daydo, laguna ammaano horumarka ay gaartay.

Halkan ka dhageyso Feysal Cali Waraabe

waraabe2

Hadalka Feysal Cali Waraabe, ayaa imanaya xilli dhulka ay degaan Hawiyaha uu noqday dhulka ugu rabshadaha badan Somalia, oo deris la ah colaad joogta ah, islamarkaanu aanu ka jirin wax-maamul deegaameed muuqda ah.

Siyaasiyiin badan, ayaa horey isu-weydiiyey, sababta madaxweyne Xasan Sheekh oo ah ninka iminka ugu sareeya Hawiye iyo Somalia uusan caqligiis u siin inuu dadkiisa isugu yeero una sheego inay dhistaan maamullo wax ku ool ah, kuna daydaan Somaliland, Puntland iyo Jubaland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com