Cadaado (Caasimada Online) – Axmed Macalin Fiqi, agaasimihii hore ee hayada nabad sugida Qaranka iminkana u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamulka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay qorshaha u degsan.
Mr Fiqi, ayaa ugu horeyn ka hadlay dagaalada ka dhacaya deegaanada la doonayo in dhawaan maamulka gobolada dhexe loo sameeyo, wuxuuna sheegay in arimahaasi aysan aheyn wax loo dulqaadan doono.
Kulamo kala duwan oo uu la qaatay waxgaradka daga deegaanada ay dagaalada ka dhacayaan ayuu ku sheegay inuu ku rajo weyn yahay in lagu dhameeyo dagaal beeleedyada ka dhacaya gobolka Galgaduud iyo Mudug.
Musharax Axmed Macalin Fiqi, ayaa dhanka kale sheegay inay wanaagsan tahay in maxkamad la saaro dadka ka dambeeya hurinta colaadaha ka dhacaya deegaanada gobolka Galgaduud.
Wuxuu ugu dambeyn sheegay in dhankiisa uu dadaal badan ku bixin doono sidii loo dhameyn lahaa dagaal beeledyada kusoo kordhaya deegaanada ku yaala xuduuda ay wadaagaan Galgaduud iyo Mudug.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Cadaado
[email protected]