Muqdisho (Caasimada online) Wasiirka Arimaha dibada Xukuumada Somalia Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, oo maanta dib dalka ugu soo laabatay ayaa beenisay warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in qaxootiga Somalia ee Kenya in si qasab ah dalka dib loogu Soo celinayo
FowsisyoYuusuf , ayaa ka warbixisay Heshiiskii Seddex geesoodka ahaa ee ay kala sixiixdeen Kenya QM iyo Somalia, waxaana ay meesha ka saartay inuu jiro in warka sheegaya in qaxootiga Kenya ku dhaqan ee Somalia ah in si qasab ah dib dalka loogu soo celinayo.
” Cidna lama qasbayo wararkaas waa ku been ah oo aan laga fiirsan heshiiska aan saxiixnana kuma aysan jirin qofkii doonaya inuu dib dalka ugu soo laabto waan soo dhaweyneynaa waana ka kaalmeyn doonaa laakiin hadba waxay ku xiran tahay rabintaanka shaqsiyadeed ee qofka” ayay tiri Fowsiyo Yuusuf Xaaji.
Waxay sheegtay in iminka ay dalka kusoo laabteen dad gaaraya 80,000 oo qaxooti Soomaaliyeed ahaa ku waas oo aysan jirin cid ka gacan siisay inay dib dalkooda ugu soo laabtaan .
Heshiiskii Seddex geesoodka ahaa kadib waxaa soo baxayay warar sheegayay in la doonayo in guud ahaan qaxootiga Somalida ah ee Kenya ku dhaqan in dib dalkooda loogu soo celinayo taas oo qaar badan ay cabasho ka muujiyeen inkastoo kuwo badana ay soo dhaweeyeen .
Halkaan Hoose ka dhageyso Wasiirka Arimaha Dibada Somalia
Caasimada online
Xafiiska Kismaayo

