29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Shir MUHIIM ah oo looga hadlaayo Somaliya ayaa ka socda Yemen

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Sana’a (Caasimada Online) Magaalada San’a ee xarunat dalka Yemen waxaa maalintii labaad ka socda shir looga hadlaayo qoxootiga Soomaalida ee ku nool Yemen.

Shirka waxaa ka qaybgalaya ilaa 10 waddan oo ay ka mid tahay Soomaaliya, Djibouti, Eritrea, Ethiopia  iyo Kenya, sidoo kale shirka waxaa jooga waddamada ay saameeyeen qoxootiga kuwaasoo ay ku jiraan Sacuudiga iyo Cumaan.

Shirka waxaa kaloo kor joogta ka ah UNHCR, Jaamacadda Carabta, iyo beesha Caalamka, waxaana looga hadlayaa siddii loo joojin lahaa qoxootiga badan ee ku soo qulqulaya dalka Yemen.

Waxaa aad looga doodday wax yaabaha ku kalifaya in dadkaas ay ka soo cararaan waddankooda iyo bal in uu jiro xal kale oo looga maarmi kari arrintaas.

Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Muxudiin Maxamed Kaalmooy oo ka qeybgalaya shirka ayaa  sheegay in dowladdisa ay ku dedaalo doonto siddii dib loo celin lahaa qoxootiga Soomaalida ee ku nool Yemen.

Wasiirka ayaa beesha caalamka ka codsaday in ay dowladda Soomaaliya ay ku gacan siiyaan siddii qoxootiga ku sugan Yemen dib loogu celin lahaa waddankooda.

Yemen waxa ay ka mid tahay waddamada martigaliyay qoxootiga Soomaalida ee ka soo cararay dagaaladii 22-kii sanno ee la soo dhaafay ka socday waddankooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News