Garoowe (Caasimada Online) Waxaa sii kordhaya dadka ku dhintay dabeelaha roobabka wata ee ku dhuftay deegannada Puntland.
Wariyaha Caasimada Online ee Puntland, ayaa soo sheegaya ku dhawaad 300 qof in ay ku dhinteen dabeylahan, xoolo iyo beero badana ay ku baaba’ een.
Maamulka Puntland ayaa sheegaya in gargaar iyo ciidamo gacan siiya ay u direen goobihii ay waxyeeladu ka soo gaartay dabeylo xoog leh oo roob iyo qabaw daran wata oo afartii maalmood fara ba’an ku haya xeebaha Bari.
Doon ganacsi oo ka timid Yemen ayaa la sheegay in ay ku degtay degmada Caluula, waxaana lagu soo warramayaa in la soo badbaadiyay dadkii la socday sida ay lee yihiin mas’uuliyiinta Puntland.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa si khaas ah ugu tacsiyeeyay eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen muwaddiintii ku geeriyooday duufaanihii ka dhacay deegannada Puntland.
Madaxweynahu waxuu u diray baaq deg-deg ah beesha caalamka oo uu yiri “Caalamku waa inuu gurmad deg-deg ah la soo gaaraa dadkii ay saameeyeen duufaaanta Cyclone oo boqolaal ay ku geeriyooday, kumanaan qofna uu hoy la’aan dhigay, isla markaana xoolihii saameeyey. Waa maalin mugdi ah oo dhammaan Soomaalida meel walba ay joogaan waa inay gar-gaar deg deg ah la soo gaaraan wallaalahooda.”
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Garoowe

