Aqoonyahanada Soomaalida iyo dhamaan waxgaradkooda ayaad moodaa inay iska Indha tirayaan, khilaafkaani waxa asalkiisu yahay, Dastuurka Soomaaliya oo qodabadiisu iska hor imaanayaan, aysan kala cadeyn awoodaha Madaxweynaha iyo Raisul wasaaraha.
Dastuurka ayaa u qoran qaab aad moodo in loogu talo galay inay Madaxweynaha iyo Raisul Wasaaraha isku dhacaan. Madaxweynaha oo ah ninka ugu awooda badan Dalka Soomaaliya ayaa haddana dastuurka wuxuu siinaaya Raisul wasaaraha uu magacaabo awood fulineed oo u muuqanaysa inuu Raisul wasaaraha lee yahay awooda fulineed ee xukuumada Soomaaliya.
Isaq qabqabsiga inta badan wuxuu imaanayaa Madaxweynaha oo ah qofka Magacaaba Ra’iisul wasaaraha inuu isku arko inuu isagu leeyahay awoodda Fulinta Dawladda Soomaaliya, Halka Dastuurka uu awooda fulinta siinayo Raisul wasaaraha, arrintaa oo ah Halka khilaafka saldhiga u ah, waxaana cad ilaa Baarlamaanka Soomaaliya uu Dastuurka qaladaadka ka jira ka saxo aysan dalka Soomaaliya khilaafka ka dhamaan doonin.
Arrinta cajiibka ah waxaa weeye in Madaxweynuhu magacaabi karo Raisul wasaaraha, balse uusan xilka ka qaadi kari. Inta badan Madaxweynaha iyo Raisul wasaaraha waxaa ay ku xifaaltamaan xubnaha golaha wasiirada iyo sida mid kasta uu u heli lahaa kalsoonida iyo ku xirnaanta xubnaha Golaha Wasiirada.
Madaxweyne kasta iyo Raisul wasaaraha uu magacaabo wuxuu khilaafkoodu si hoose ugu billowdaa xubnaha golaha wasiirada oo labada masuul kala raaca. Haatanba sida aad aragtaan xukuumadaan aadka u yar in wasiirada 10 ka kooban in inta badan Madaxweynaha ku xiran yihiin una report gareeyaan, sida Raisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha Dibadda ay noqotay wasiirad uun Kaliya ku xiran madaxweynaha.
Arrimaha noocaas oo kale ah ayaan cajab gelinaynin Ra’iisul wasaaraha oo u arka ama ay tahay in golaha wasiirada isaga warbixinada siiyaan, awaamiirtana ka qaataan.
Maadaama Dastuurku siinayo Raisul wasaaraha awood fulineed, sidoo kalana uu Madaxweynuhu nin Baarlamaanka Soomaaliya uu doortay, awoodna u leh inuu isaga magacaabo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayuusan Madaxweynuhu aqbali Karin awood ahaan inuu noqdo qof aan lahayn awooda Fulinta, Arrintaas oo marka si loo fiiriyo sax ah, inuu awooda yeesho qofkii la doortay , sidoo kalana uusan caqliga saliimka ah keeneyn in ninka aad magacaawdo uu ka awood badnaado, balse arrinta noocaas dastuurka Soomaaliya ayay ku qoran tahay.
Iska daa Soomaaliya oo mudo ka badan 20 sano ka Jireen dagaalo sokeeye ee dalal Afrikaan ah oo aan burburin ilaa iyo intii ay Jireen sida Kenya ayaa qaadi weysay Madaxweyne iyo Raisul wasaare isku awood ah waxayna goosteen aqoonyahankii qorayay dastuurka Kenyainay meesha ka saareen jagadii Ra’iisul wasaare ee ka jirtay Kenya dawladoodii hore ee uu Madaxweynaha ka ahaa Mwai Kibaki, Raisul wasaare-na ka ahaa Riala Odinga.
Sidoo kale dawlada Itoobiya oo ah dawlad in badan jirtay, lana sheego inaysan gumaysi waqti dheer ah soo marin, waxaa dastuurkooda ku saleeyeen Ra’iisul wasaare awood leh iyo Madaxweyne uun safiirada ka qabta warqadaha aqoonsiga , hawlaha fulintana aan faraha la gelin.
Isku soo wada Duduble dawladda Soomaaliyana oo aan gacantaba ku heyn Gobolada Soomaaliya inta badan ayaan qaadi karin mas’uuliyiin aan awoodahooda kala cadeyn sida haatanba taagan, waxa kaliya ee loo baahan yahay-na ay tahay in dastuurka la saxo oo uun Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha mid awooda fulinta la siiyo jagadaasna ay noqoto mid doorasho ku timaada..
Waxyaalaha cadeynta kale u ah khilaafkaan dastuurka Soomaaliya uu abuurayo in markii wafuuda caalamka booqdaan ay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha-ba la kulmaan iyadoo mas’uul kasta ay agagaarihiisa taagan yihiin wasiirada isaga ku dhow.
Guddoomiyaha Baarlamanka Prof Jawaari oo madax u ahaa gudidii qortay Dastuurkaan khilaafka u samaysan haatana ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xil weyni ka saaran yahay inuu u dhaqaaqo in Baarlamaanka Soomaaliya uu saxo dastuurka u samaysan inaan khilaafba laga bixin.
Dastuurka Soomaaliya oo isku qasan iyo 275 ka Xildhibaan ee aan doorashada ku imaan ee qabiilka ku yimid ee mid kasta uu u hadlayo sidii in la soo doortay, deegaan gaar ahna laga soo doortay, iyadoo qaarba is xijinayaan gobolo gaar ah oo ay sheeganayaan Xildhibaano ka socda qabiilo gaar ah ayaa waxaa ay ka midka yihiin caqabadaha Soomaalidu ka dhaqaaqi la’ dahay.
Mar guddoonka Baarlamaanka weydiiyey Xildhibaanada Jubboyinka kasoo jeeda waxaa wada istaagay dhammaan Xildhibaanada inta badan, Su,aasha gudoonka Baarlamaanka ayaa ah Marin habaabin. Maadaama aan xildhibaanadaan deegaan laga soo dooran ma jiro Xildhibaan si gaar ah u dhihi kara deegaan Hebel aniga ayaa metela, xildhibaanka hadda jira wuxuu uun meteli karaa qabiilkiisa maadaama uu qabiil ku yimid.
Sidoo kale maadaama Baarlamaanka Soomaaliya uu ka kooban yahay dhammaan qabaa’ilka Soomaaliya, Dastuurkuna yahay mid u dhaxeeya Soomaalida , haddana dastuurka lagama helayo sida Soomaalidu u qeybsanayso kheyraadka, sida Canshuurta Soomaaliya oo ka timaada dekeddaha iyo meelaha kale u qeybsanayaan dawlada Federaalka iyo dawlad goboleedyada.
Baarlamaanka Soomaaliya iyo aqoonyahankii soo qoray dastuurka ayaa uun wax laga weydiin doonaa dib udhaca heysta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

