26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Dhageyso: Xildhibaanno ka hadlay qorshe sir ah oo lagu hoos qariyey heshiiskii madasha qaran

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qodobada qaar ee ku jira hishiiskii magaalada Muqdisho Afar maalin ka hor ku gareen madaxda madasha wadatashiga qaran ayaa dhigaya in soo xulida baarlamaanka doorweyn ku yeeshaan xubnaha saxiixayaasha shirka oo lamicno ah madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa u arka hishiiskaasi inuu yahay mid fursad kale oo doorasho siinaya madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, oo ka shaqeeyay danaha uu markale kusoo laaban lahaa, isaga oo aan u daneyn shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo si adag u mucaaradsan madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in hishiiskii magaalada Muqdisho uu markale fursad qaali ah siinayo madaxweyne Xasan Sheikh oo doonaya in talada dalka uu kusoo laabto.

Xildhibaan Goodax wuxuu sheegay in hoos loo dhigay maqaamka shacabka Soomaaliyeed oo masuuliyiintii ku shiray magaalada Muqdisho ay ka shaqeeyeen danaha shaqsiyaad gaar ah oo siyaasada doonaya iney kusoo laabtaan.

Goodax wuxuu tilmaamay in looga baahan yahay baarlamaanka Soomaaliya in ay si wanaagsan u dhuuxaan Erayada ku qoran heshiiskan oo qaarkood umaba muuqda kuwa aan sharciyad heysan, maadaama ay awood gaar ah siinayeen Hogaamiyaasha Siyaasadda ee Soomaaliya.

[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/04/goodax..mp3″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News