Dhageyso: Gaas oo ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan Shirka Kismaayo kusoo dhamaaday

Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan shirkii Kismaayo kusoo dhamaaday iyo sida uu noqon doono Xiriirka dowladda iyo Maamul Goboleedyada xilli uu wareysi siinayey Idaacadda VOA qeybteeda Afka Soomaaliga.

Cabdiweli Gaas ayaa la waydiiyey dhawr arrin oo ay ugu muhiimsaneyd qodobada laga soo saaray Shirka iyo haddii ay Dastuuka Waafaqsan yihiin, sidoo kalana waxaa wax laga waydiiyey go’aanka kasoo baxay kadib haddii ay dowladda Soomaaliya wada hadal la yeelan doonaan.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay inay iyaga mar kasta ku taagan yihiin Dastuurka isla markaasna ay diyaar u yihiin in lagu dhaqmo, wuxuuna sheegay inaysan is dagaashaneyn dowladda iyo Maamul Goboleedyada balse la iskum fahmi la’yahay arrimo uu ku tilmaamay inay yihiin Masiiri.

Cabdiweli Gaas ayaa sidoo kale sheegay inay dowladda Soomaaliya mar kasta wada hadlaan isla markaasna aysan diidaneyn wada shaqeynta Dowladda.

Mar wax laga waydiiyey dhibaatada ugu jirto inay taageeraan go’aanka dowladda ee dhex dhexaadnimada ah iyo haddii ay wax faa’ido ah ku qabaan taageerada ay u muujiyeen Imaaraadka ayuu Gaas sheegay inaysan dowladda dhexe Arrinta Khaliijka dhex dhexaad ka aheyn balse ay la safatay dalka Qatar sida uu hadalka u dhigay.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga Gaas oo dhameystiran: