25.9 C
Mogadishu
Tuesday, November 18, 2025

Dhageyso: Goobjooge si yaab leh uga sheekeynaya Ismiidaamintii Baledweyne

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qaraxa ismiidaamin ah oo shalay ka dhacay maqaaxi ku taalla Magaalada Baledweyne.

Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay Maqaayad ku dhaw Koontaroolka Koowaad ee laga galo xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan ee ku taal Magaalada Baledweyne.

Ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa la sheegay inuu isku qarxiyay Maqaaxida waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Qaabka uu Qaraxa u dhacay ayaa waxaa ka waramay mid ka mid ah dadkii ku sugnaa agagaarka maqaaxida oo goobjoog u ahaa Qaraxa iyo naftii haligaha weerarka geystay.

Goobjoogahan oo u waramay Idaacadda VOA, ayaa sheegay in 20 tallaabo meel u jirto maqaaxida uu ku sugnaa xiligii uu qaraxu dhacayay, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uu ka mid ahaa dadkii maqaaxida fadhiyay, laakiin uu goobta ka kacay kadib markii loo soo diray Telefoon isla markaana uu goobta ka tagay.

Waxa uu tilmaamay in Qaraxa ka hor ay maqaaxidu aheyd mid aadu buuxda hayeeshee qadar yar un kadib ay goobtu noqotay mid murugo isku bedeshay.

Wuxuu sheegay in goortii uu dhacay Qaraxa uu ku dhacay meel fog isla markaana uu aad u wareeray isagoo garanwaayay halka ay jihadu ka xigtay.

”Markii aan wareeray kadib waxa uu miirka igu soo laabtay labaatan daqiiqo ka dib waayo waxaan galay jawi kale maadaama ay jugtu igu tuurtay meel fog”

Goobjoogaha ayaa sheegaya in uu arkay meydadka afar qof oo uu ku jiro ninkii is qarxiyay iyo dhaawaca lix kale, inkastoo sida uu sheegay uu dib ka maqlay dad kale oo ku waxyeeloobay qaraxaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News