Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya xarunta Aqalka Sare ee dalka ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf u dhexeeya Xildhibaanada aqalka kaa oo ku aadan ka doodida arrinta Qalbi Dhagax.
Xildhibaanada Aqalka Sare qaarkood ayaa la sheegay inay kasoo horjeesten in faragalin lagu sameeyo arrinta Qalbi Dhagax oo uu muran ka taagan yahay.
Qaarkood ayaa qaba in laga doodo asbaabaha dowlada ku khasbay inay Ethiopia u gacangaliso Qalbi Dhagax, maadaama labada dal uusan ka dhaxeyn xiriir rasmi ah.
Xildhibaanada ugu badan oo saacadihii ugu danbeeyay ka agdhawaa Ra’isul wasaare Kheyre ayaa ku doodaaya in arrinta Qalbi Dhagax marka hore looga danbeeyo baarlamaanka Somalia si aanu u dhicin isku dhexyaac.
Xildhibaanada ayaa ku kala qeybsan arrinta Qalbi Dhagax, waxaana la rumeysan yahay in qodobkaani uu noqday mid looga faa’iideysanaayo khaladaadka dowlada cusub ee Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa maanta oo isniin ah ka doodaaya go’aanka ay qaadatay dowladda ee ku sabsan wareejintii Qalbi Dhagax, mana cadda waxa kasoo bixi doona doodooda aan leysku raacsaneyn.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

