Maxaa laga filan karaa kulanka ay xildhibaanada Aqalk Sare uga doodayaan arrinta Qalbi Dhagax

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia, ayaa lagu wadaa in maanta ay kulan ku yeeshaan dhismaha ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa kulankooda uga doodi doona arrinta Sargaalka ONLF Qalbi Dhagax ee loo gacangaliyay dowlada Ethiopia.

Xildhibaanada ayaa kulankooda ku cadayn doona mowqifkooda ku aadan wareejintii C/kariin Sheekh Muuse ”Qalbi Dhagax”.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa sheegay in kulanka maanta looga doodi doono sax iyo khaladba wixii ay Xukuumadda Somalia u cuskatay wareejintii Qalbi Dhagax.

Waxa uu tilmaamay Guddoomiyaha in Xildhibaanada laga filaayo inay qaatan mowqif adag oo lagu muujinaayo khalad iyo sax ahaan qodobada loo cuskaday dhiibida Qalbi Dhagax.

Gudoomiyaha waxa uu cadeeyay in culeyska la saari doono sida ay u arkaan in Qalbi Dhagax loo gacangeliyo Ethiopia.

Warar hoose oo aan ka heleyno Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ayaa sheegaya in Xildhibaanadu ay ku kala aragti duwan yihiin ka doodista qodobka Qalbi Dhagax, waxaana suuragal ah in leysku fahmi waayo natiijada dooda.

Waxaa laga filankaraa dooda inaanu kasoo bixin natiijo cad oo lagu cadeynkaro waxa uu yahay mowqifka Xildhibaanada Aqalka Sare, maadaama uu jiro mugdi yar oo kala qarinaaya Xildhibaanada ay doodu u dhexeyso.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay inay xooga saari doonaan sida kulanka uu uga soo bixi lahaa natiijo maadaama uu qodobkaani dhaliyay muranbadan, walow aan la ogeyn sida uu xaalku noqon doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com