Dhageyso: Guuleed iyo wasiir kale oo lagu dhegan yahay loogana yeeray BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Go’aan ka soo baxay Golaha Shacabka ayaa waxa lagu Cambaareeyay Falkii lagu dilay seddeedii oday dhaqameed ee ka soo safray Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Baay kuwaasi oo ku soo jeeday deegaanka Number 50- ee Degmada Afgooye.

Go’aanka ka soo baxay Golaha Shacabka ayaa waxa Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya u aqriyay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad.

Sidoo kale Go’aanka ka soo baxay Golaha Shacabka ayaa waxa loogu yeeray in 15-Maalmood Gudahooda ay Baarlamaanka ku hor yimaadaan Wasiirka Waasaarada Amniga Cabdi Kariin Xuseen Guuleed iyo Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Xukuumada Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud sida uu mar kale ku dhawaaqayo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku raacay Ansixinta Go’aanka ka soo baxay Golaha Shacabka waxana la sugaya markii Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhiga ay hor yimaadaan Baarlamaanka jawaabta ay ka bixiyaan Arrimahaasi.

Halkan ka dhageyso go’aanka baarlamanka

bar

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com