BF Somalia oo loo gudbiyey mooshin ka dhan shirkadda Favori iyo sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaca ah waxa ay mooshin ka keeneen shirkadda FAVORI oo ah shirkad laga lee yahay dalka Turkiga isla markaana gacanta ku heysa garoonka diyaaradaha iyo dekedda Muqdisho.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ahaa xildhibaannada mooshinkaas oo gudbiyay ayaa VOA-da u sheegay in la ogaaday shirkadaas in ay dalka ka wado arrimo aad u fool xun maadama in ka badan lix kun oo shaqaale ka shaqeeya shirkadda ay sheegtay in ay ceyriin doonto.

“Qoddobka maanta baarlamaanka uu ka hadlay wuxuu ahaa ajandahaugu jiray miisaaniyadda shirkad laga yeehay Turkiga iyo odayaashii dhaqanka ee Baydhabo ka yimaadeen agagaarka Baydhabo arrimahaas ayuu baarlamaanka aad uga doodday” ayuu yiri Dalxa.

Wuxuu sheegay in baarlamaanka ay xukuumadda ka codsadeen in la joojiyo shaqada ay ka hayso garoonka iyo dekedda Muqdisho sidda uu yiri.

Mar la weydiiyay wax yaabaha laga dhahay shirkadda FOVORI wuxuu sheegay in marka horre xukuumadda ay soo gudbiso heshiiska ay la gashay shirkadaas iyo waxa uu qorayo, isagoo intaas ku daray in shirkadda laga lee yahay Turkiga ay si sharci daro ah uga shaqeyso dalka.

Xildhibaan Dalxa ayaa tilmaamay in qaar badan oo ah shaqaalaha garoonka iyo kuwa dekedda loo sheegay in la ceyrin doono dhawaan.

“Baarlamaanka wuxuu matalaa shacabka Soomaaliya, waxaana loo soo gudbiyay cabashooyin ah in shaqaalihii ka shaqeenaayay garoonka iyo dekedda la ceyrinaayo siddoo kalena shirkadda ay keentay dalka shaqaale ajaabiib ah” ayuu yiri Dalxa.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay Dalxa in wasiirka arrimaha gudaha Cabdullaahi Goodax Barre looga baahan yahay in uu caddeeyo eeda loo jeediyay shirkadda Fovori, taasoo ah in la ceyriyo in ka badan 6000 oo shaqaale.

Caasimada Onlineo

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com