RW C/Welli oo shaaciyey safar gudaha dalka dhexdiisa ah oo uu ku tagayo…

Muqdisho(Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Welli Axmed Maxamed oo la hadlay warfidiyeenka ayaa soo hadal qaaday xaalada magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Cabdi Welli ayaa sheegay in madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamud iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ay tageen dhawaan magaalada Baydhabo si loo dhameeyo xaalada cakiran ee magaaladaasi.

R/Wasaaraha ayaa cadeeyay in sidaasi si lamid ah dhawaan uu tagi doono magaalada Baydhabo si loosoo afjaro dhibaatada siyaasadeed ee ka taagan magaalada Baydhabo, wallow waqtiga rasmiga uusan sheegin.

“Waxaad la socotaan dhawaan Baydhabo waxaa tagay Xasan Sheikh iyo Jawaari, aniguna dhawaan ayaan tagi doonaa waxaan dooneynaa wada shaqeyn dhexmarta shacabka iyo dowladooda”ayuu yiri ra’iisul wasaare Cabdi Welli.

Wuxuu muhiim ku tilmaamay ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya in isfaham buuxa uu dhexmaro masuuliyiinta dowlada iyo shacabka ku dhaqan deegaanada gobolada Baay iyo Bakool.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha dalka ayaa magacaabay labo gudi oo ka shaqeeya xaalada dalka Soomaaliya iyo caawinta shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com