DFS oo qalab ciidan ka heshay ITALY

Muqdisho (Caasimada Online) –Dowladda Talyaaniga ayaa waxa ay gaadiid dagaal ku wareejisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska ciidanka Milateriga iyo Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho, ayaa gaadiid gaaraya 10 waxaa lagu wareejiyay ciidamada Booliiska Soomaaliya halka 12-gaadiidna lagu wareejiyay ciidanka Milateriga.

Taliyaha ciidanka Milateriga Soomaaliya ayaa goobta ka sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo Dowladda Talyaaniga kaalmada ay la garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in ciidamada qalabka sida ay yihiin dhalaan yar oo u baahan garab qabasho, Dowladda talyaanigana uu ka codsanayo in la garab qabto.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhankiisa ka mahadceliyay tallaabada Dowladda Talyaaniga ku caawinayso Dowladda Soomaaliya, isaga oo ka hadlay xiriirka Talyaaniga iyo Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa sheegay in marwaliba ay Soomaaliya garab taagan yihiin oo ay taageerayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com