MADAXWEYNE si qarsoodi ah loogu doortay magaalada Muqdisho maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan qarsoodi ahaa ayaa maanta ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, kaasi oo lagu doortay madaxweyne cusub oo uu yeesho maamul loogu magac daray BANAADIR State.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen xildhibaano la sheegay in maamulka uu leeyahay ayaa waxay soo doorteen madaxweynaha maamulka Banaadir State, sida ay sheegeen xildhibaanada qaar.

Maxamed C/raxmaan Cali ayaa la sheegay inuu ahaa madaxweynaha maamulkaasi, laakiin uu iska casilay xilkaasi taasi oo dhalisay in doorasho maanta la qabto, sida afhayeenka baarlamaanka maamulkaasi uu sheegay.

Tirada xildhibaanada ka qeyb gashay kulanka qarsoodiga ahaa ayaa gaareysay 93 xildhibaan, waxayna ku shireen Hotel ku yaala degmada Waaberi, maadaama Muungaab dhawaan amar uusoo saaray lagu mamnuucay shirka maamul u sameynta Banaadir State.

Madaxweynaha maamulka Banaadir State ayaa maanta waxaa loo doortay Cabdulaahi Axmed Maxamed Dheere, isagoo helay 87 cod oo gacan tag ahaa.

Ugu dambeyntii qaar kamid ah xildhibaanadii ka qeyb galay doorashadaasi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin waxyaabihii kasoo baxay natiijada codbixinta ee maamulka Banaadir State.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com